Maanta oo ku beegan sannad guurada 79-aad ee Booliska Soomaaliya

Maanta oo ku beegan sannad guurada 79-aad ee Booliska Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — 20-ka December sanad waliba maanta oo kale ayaa loo dabaal dagaa xuska maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan maanta 79 sano guurada ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Booliska oo ku beegneyd December 20, 1943-dii.

Sida ku xusan Sooyaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.

Maxamed Abshir ayaa noqday Shaqsigii ugu horreeyay ee Madax u noqda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka gadaal markii Ra’iisul Wasaarihii Xukuumaddii daakhiliyad Cabdullaahi Ciise Maxamuud uu ka dhigay 1958-kii.

Madaxweynhihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Baree oo xukun dalka qabsaday 21 October 1969-kii ayaa maalin u gaar ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u sameeyay isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu maalinta booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.