Dhulgariir sababay dhimasho oo ka dhacay Mareykanka

San Francisco (Raxanreeb) — Labo qof ayaa ku dhintay tobannaan kun oo guryo la daggan yahay ayaa ku dhacday koronto la’aan ka dib markii uu dhul gariir cabirkiisu yahay 6.4 magnitude ruxay waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka.

Dhul gariirka oo ku dhuftay meel 215 meyl (350km) u jirta waqooyiga San Francisco ayaa burbur xoog leh u geystay waddooyinka tareennada.

“Wax walba oo darbiyada ku dhagganaa wey soo jabeen,” ayuu yiri JB Mathers, oo ka mid ah dadka degan magaalo xeebeedka Eureka.

Maamulka gobolka ayaa xiray waddooyin badan waxayna shacabka uga digeen saameyn kale oo ka dhalan karta dhul gariirkaas.

Fiidnimadii Talaadada, oo ay saacaddu ku beegneyd 02:34 PST (10:34 GMT) ayuu dhacay dhul gariirka. Waxa uu usii kala fiday ilaa 80 dhul gariir oo yar yar, kuwaasoo cabirkoodu uu u dhaxeeyay 4.6 ilaa 2.5, sida ay sheegtay hay’adda tirajoobka cimilada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.