Xasan Sheekh oo sheegay xilliga la keenayo ciidamada jira Eritrea

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka Bisha January ee sanadka 2023-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka ugu horreeyay ee hordhaca ah ay dalka ku soo laabanayaan dhammaadka Bishaan December ee Sanadkaan, balse bisha koowaad ee sanadka soo socda ay dhammaantood Dalka lagu wada soo celin doono.

“Dhallinyarada Eritrea jirta mar dhaw wey imaanayaan, bisha aan ku jirno ee December inta aysan dhammaan wey soo bilaabanayaan, January wey soo dhameystirmi doonaan, waa diyaar arrintaas, dib u dhac dambe mar dambe ma rajeyneyno,” sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga Dalka Mareykanka.

Dhalinyaradaan oo gaareysa tiradooda 5000 (Shanka kun) ayaa Dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dalka Eritrea ugu dirtay tababar Ciidanka, iyada oo dhallinyaradaan hadal heyn badan ka dhalatay maqnaashahooda walow Farmaajo uu sheegay in dalka dib loogu soo celinayo doorashada marka ay dhammaato.

Doorashada 15-kii May ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba mar booqasho ugu tagay dhalinyaradaan, isaga oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalkaas Isaias Afwerki oo ay ka wada hadleen sidii dalka dib loogu celin lahaa dhalinyaradaan.

Marka uu ka soo laabtay Dalka Eritrea Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay dhalinyaradaan, waxa uu balan qaaday in Dowladda ay ka shaqeyn doonta sidii ay ku soo celin laheed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.