Haweeney 97 sano jir ah oo lagu xukumay jarmalka

Jarmalka (Raxanreeb) — Haweeney 97 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahayd dilka in ka badan 10,000 intii uu socday xasuuqii Holocaust.

Waxay ahayd mid ka mid ah maxkamadeyntii ugu dambeysay ee Jarmalku ku qaado dambiilayaashii xilligaasi.

Irmgard Furchner waxa ay xoghaye u ahayd taliyaha xerada xoogaynta ee Stuthof ee hadda loo yaqaano Poland.

Waxaa lagu maxkamadeeyay maxkamad dhalinyaro maadaama ay wakhtigaasi ahayd dhallinyaro.

Garsooraha maxkamadda ayaa diiday doodda qareenkeeda ee ah in aysan waxba ka ogeyn dilka.

Furchner ayaa sheegtay inay ka xuntahay wax walba oo dhacay xilligaasi.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published.