Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho ku qabteeen ra watay Mooto Bajaaj oo Bambo gacmeed ku tuuray goob ay ku sugnaayeen dadweyne farabadan oo kutaalla Muqdisho.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Koonfur Galbeed iyo ATMS oo kawada hadlay howlgallada ka dhanka Al-Shabaab
Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa shir Guddoomiyay Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Saraakisha Laamaha Amniga qeybahooda kala duwan,kuwa ATMIS iyo Saraakiil ka socday Dowladda UK
Wasiirkii hore arrimaha dibedda oo ku taliyay in Abuu Mansuur xilka laga qaado
Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sharci darro ku tilmaamay amarro kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali.
Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guuleysatay Congress-ka
Ilhaan Cumar oo gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka waddanka Mareykanka ayaa markii saddexaad guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada xilliga dhexe ee dalkaas, taas oo labadii sanaba mar la qabto
Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay madaxda hay’adda masoobooyinka
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.
Deni oo kulan la qaatay qaar katirsan Safaaradda Mareykanka
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ku qaabilay wafdi ka socda Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda.
NISA oo sheegtay inay howlgal ku qabteen dad loga shakiyay Al-Shabaab
Ciidanka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howgal qorsheysan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyey xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaal kadhacay deegaanka Waxbo oo lagu dilay Al-Shabaab
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Wabxo oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaad la wareegay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Mudug
Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad beeleed ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi
Tababar cusub oo maanta loo furay ciidamo ka mid noqonaya Danab
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle wuxuu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka
