Booliska Soomaaliya oo qabtay rag lagu eedeeyay inay Bam gacmeedyo tuurayen

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho ku qabteeen ra watay Mooto Bajaaj oo Bambo gacmeed ku tuuray goob ay ku sugnaayeen dadweyne farabadan oo kutaalla Muqdisho.

War kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood, basle, iyaga ay ku qaraxday.

“Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa Maanta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj, ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood. Eedeysanayaasha oo ay iyaga ku qaraxday bombadii ayaa hada lagu dabibayaa hospital ayaa lagu yiri” Warka Booliska.

Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ma shaacin tirada eedeysanayaasha iyo hadii ay jiraan khasaaro dad Shacab ah kasoo gaaray bamka, iyada oo aaga bambka lagu tuurayay ay tahay mid mashquulkeeda uu aad u badan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.