Deni oo kulan la qaatay qaar katirsan Safaaradda Mareykanka

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ku qaabilay wafdi ka socda Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan Kula qaatay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali iyo Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Mr. Sascha Andreas Kienzle ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Dowladda Jarmalka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland, Iyadoo Dowladda Germany sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Puntland ku taageerto Doorashooyinka dimuqraadiga ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amb. Sebastian Groth iyo Dowladda Germany, taageerada iyo Iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida Mashaariicda ay ka taageeraan Hay’adaha Dowladda Puntland iyo doorkooda ku aadan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.