Wasiirkii hore arrimaha dibedda oo ku taliyay in Abuu Mansuur xilka laga qaado

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sharci darro ku tilmaamay amarro kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee uu hoggaamiyo Mukhtaar Roobow ayaa 6-dii bishan maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij.

Qoraal uu soo saaray wasiir Cabdisaciid ayuu ku sheegay in dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta ay yihiin habdhaqan lagu yaqaan Al-Shabaab.

“Wasaarada Arrimaha Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka Al-Shabaab. Talada saxda ah waa in asaga la beddalaa oo dawladnimada la baro iyo ku shaqaynta sharciga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo qoraalkiisa ku weerarray Wasiir Roobow.

Wuxuu qoraalkii ku caddeeyay in sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka aan laga hor istaagi karin.

“Go’aanada Wasaaradda Diinta waa waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey waa Al-Shabaab ee la qabso,” ayuu yiri yiri.

“Wasaaradaha ay hoggaamiyaan rag horey uga tirsanaa Al-Shabaab waa in la fahansiiyo nidaamka dawladnimada iyo go’aanada cukuumada qaabka loo maro hadana loo faafiyo. Xuquuqaha aasaasiga ah si fudud looma badali karo. Dawladnimada maaha inkiraad iyo aarsi kooxdaadii hore.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.