Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay madaxda hay’adda masoobooyinka

Muqdisho (Raxanreeb)— Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

Kulankan oo uu wasiirku ku wehliyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Cabdixakim Xasan Ashkir ayaa looga hadlay howlaha gurmadka deg degga ah, iyo dadaallada maareynta musiibooyinka iyo arrimo kale.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii si loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ee sida uu horey u amray ugu bixiyay ra’iisul wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa inta sannadihii lasoo dhaafay iyo isla sannadkanba ragaadiyay roob la’aan ba’an kaasoo sababay Abaaro Dad iyo xoolo ku dhammaadeen iyo barakayaal faro badan oo soo gaaraya magaalooyin qaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.