Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Ciidamo loo soo diro Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Ciidamo loo soo diro Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Ansixinta qaraarka uu baarlamaanka Jamhuuriyadda Türkiga uu maanta ansixiyey kaas oo la xariira in ciidamada badda ee Turkiga loo diro Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu sheegay in tallaabadaan ay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Türkiye.

” Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale ayuu yiri” Wasiirka.

Wasiirka ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in qorshahaan uu muujinayo ka go’naanshaha labada dhinac ee Soomaaliya iyo Turkiga, si wax looga qabto caqabadaha jira, loona dhiso mustaqbal barwaaqo u leh Soomaaliya iyo gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.