Baroordiiq & banaanbaxyo ka dhacay maanta Muqdisho.

Baroordiiq & banaanbaxyo ka dhacay maanta Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo waa wayn oo lagu soo horjeedo weerarkii kooxd Al- Shabaab ay ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dadkan waxa ayaa  ka kala yimid xaafadaha iyo degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo ka xumaa weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee  jimcihii ka dhacay caasimadda.

Shacabka ka qeyb galayay dibadbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna shacabka muujiyeen dareen ah in ay nacebyihiin kooxda.

Qarax uu fuliyay qof naftii hallige oo uu xigey weerar toos ah ayaa xilligaas galaaftay nolosha ku dhowaad 40 qof oo halkaa ku cawaynayay, halka dhaawacyaduna ay 70 meeyo gaareen,

Leave a Reply

Your email address will not be published.