Baydhabo (Raxanreeb )- Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in tiro hoobiyaal ah saacadihii la soo dhaafay ay ku dhaceen xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Hoobiyaashan oo ku dhacay xaafado kala duwan ayaa la soo warinayaa in ay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac inta badan soo gaaray dad rayid ah oo ku sugan magaalada Baydhabo.
Inta la xaqiijiyay mid ka mid ah Madaafiicda ku soo dhacday Magaalada Baydhabo ayaa sababay dhaawaca 4 caruur ah iyo bur bur guri sida ay sheegeen dad ku dhow dhow .
Madaafiicdan ayaa xalay saqdii dhexe goobo ka ag dhaw xafiisyada maamulka Koonfur Galbeed, afaafka hore ee isbitaalka magaalada Baydhabo iyo meelo kale.
Hay’adaha amniga , magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ma aysan faahfaahin mana ka hadlin weerarkan hoobiyaasha ah ee lagu qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Leave a Reply