Booliska degmada Cadaado oo gacanta kusoo dhigay rag masoomayaal ah

Booliska degmada Cadaado oo gacanta kusoo dhigay rag masoomayaal ah

Cadaado (Raxanreeb) — Booliska degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa gacanta ku soo dhigay ilaa iyo 8 qof oo la sheegay inay masoomayaal yihiin.

Howlgallo ay sameeyeen ciidamada booliska ee degmada Cadaado, oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo qabtay.

Xuseen Axmed Xaashi, taliyaha saldhigga booliska Cadaado, ayaa sheegay in ragaan lasoo qabtay ay muddo ku raad joogeen.

Taliyaha ayaa sheegay in maanta ay ku guuleysteen soo qabashada raggaan ku eedeysan inay masoomayaal yihiin.

Taliyaha ayaa sheegay in raggan ay isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Raggan, ku dhow 10-ka qof ayaa laga soo qabtay deegaanka Bali Higis, oo hoos taga degmada Cadaado, halkaas oo waxyaabaha maanka-dooriya ay ku isticmaalayeen.

Taliye Xuseen Axmed Xaashi, ayaa digniin culus u diray dadka falalka noocaan ah, ku guda jira, isagoo sheegay in cidii lagu qabto tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Hasa yeeshee, gobollada dalka ayaa inta badan lagala dagaallamayaa dadka masoomayaasha ah, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.