Golaha  wasiirada oo isha lagu hayo & Sambalooshe oo NISA hoggaamin doona.

Golaha  wasiirada oo isha lagu hayo & Sambalooshe oo NISA hoggaamin doona.

Muqdisho (Raxanreeb )-   Golaha  Wasiirada  Soomaaliya ayaa  maanta oo Khamiis ah isha lagu hayaa kuwaas oo leh sida la sheegayo kulan ka duwan kuwii  hore.

Kulanka maanta ayaa la sheegay inuu yahay mid ay ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan  Taliyaha Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Salaad.

Dhanka kale, Taliyihii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe ayey wararku sheegayaan in markale xilkan loo magacaabo, waxaana taladaasi soo gudbiyay ayaa laleeyahay Xasan Sheekh.

Mahad Salaad ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay Villa Somalia larabto xilka madaxweynaha Galmudug, iyadoona shaqo katagistiisa lagu sheegay in uu rabo in uu bilaabo olole uu kursiga ugu diyaar garoobayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.