Booliska oo gacanta ku dhigay askar rasaas adeegsaday 26-ka Juun.

Booliska oo gacanta ku dhigay askar rasaas adeegsaday 26-ka Juun.

Muqdisho (Raxanreeb )-Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kalatirsan Ciidammada Qalabka Sida.

kuwaas oo jabiyay amarkii ahaay in aan laridikarin rasaas loogu dabaaldagayo maalmaha xoriyada.

Waxaa socota baaris maadaama ayjiraan qasaaro ka dhashay xabadihii sharcidarada ahaay ee la riday xalay.

Waxaana la horgeyndoonaa Maxakamadda awooda uleh.

Hay,addaha amaanka waxa ay baadigoob ugujiraan tiro intaa kabadan iyo gaadiid xabada riday

Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.