Booliska “32 qor ayaa ku dhimatay, 63 qof na way ku dhaawacmeen weerarkii Xeebta Liido.”

Muqdisho (Raxanreeb )- Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed  ayaa war ka soo saaray qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir saxaafadeed qabtay ayaa sheegay in 32 qof oo shacab ah iyo hal askari ay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan 64 kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada fashiliyeen kana hortageen gaari waxyaabaha qarxa kasoo buuxiyeen Al Shabaab ay doonayeen in ay ku laayaan dadka ka badbaada weerarkii hore.

Tobanaan dada oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaallada gobolkan Banaadir, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashadu ay sii kororto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.