Booliska oo xabsiga dhigay gabar u gaftay madaxweyne Xasan Sheekh

Booliska oo xabsiga dhigay gabar u gaftay madaxweyne Xasan Sheekh

Gaalkacyo (Raxanreeb) — Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Galmudug, ayaa maanta soo xiray gabar lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen, oo dhowaan iska soo duubtay muuqaal ay soo dhigtay Baraha Bulshada, iyada oo u gefeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabadhan, ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo la faafiyay sawirradeeda iyadoona ku sugan xabsigaasi.

Fardowso Cabdi Xuseen, ayaa muuqaalka ay iska soo duubtay si aad ah ugu dhaleecaysay xarigga loo geestay dhowaan wiilal iyo gabdho loo xiray faafinta dhaqan xumo iyo hadallo kicin bulsho ah oo ay barta Tiktok-ga isku dhaafsadeen, kaasi oo ahaa Xamar yaa iska leh iyo erayo kale.

Gabadhan ayaa waxay ku goondisay in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu yimaado magaalada Wisil, ay qoriga Dhashiikaha ku toogan doonto weliba gacanteeda.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta qeyb ka yahay horumarka bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay booliska qeeybta Galmudug.

“Sidaas darteed waxaan bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara anshax xumada, qabyaaladda, kicinta dadweynaha IWM”.

Ugu danbeeyntii Booliska qeeybta Galmudug ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqam deegaannadaasi iyagoona ka codsaday in ay kala shaqeeyaan nabadda xasiloonida iyo horumarka deegaanka.

“Bulshada reer Galmudug waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeeyaan Taliska Ciidanka Boliska Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska.

Xabsiyada Muqdisho, ayaa ku jira haatan dhallinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho kuwaas oo loo haysto faafin Anshax xumo iyo iyo isku dirka beelaha walaalaha ah, ee kuwada dhaqan Muqdisho,

Booliska Soomaaliya, ayaa dhowaan sheegay in dhammaantood dhallinyardaan lasoo taagi doono maxkamadaha ku shaqada leh ayna mari doonaan Caddaaladda.