Booliska Puntland oo Caawa ka hadlay dil ka dhacay Boosaaso

Booliska Puntland oo Caawa ka hadlay dil ka dhacay Boosaaso

Ciidanka Booliska Puntland Qaybta gobolka Bari ayaa wada hawlgalka soo qabashada ninkii ku eedaysnaa dilka Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Taliyaha qaybta gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo Howlgalka hogaaminaya ayaa sheegay in uu Howl-galka baadigoobka Gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse uu socda wilina aan gacanta lagu soodhigin isagoo sheegay in ay faahfaahin ka bixin doonaan dhacdadaas marka uu Howl-galku soo gaba gaboobo.

Sidoo kale booliska Puntland ayaa Shacabka ka dalbaday Haddii ay helaan xog ku saabsan falal Amni daro ama ay arkaan wax ay uga shakisan yihiin iyo wax walba oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, ay la soo wadaagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.