Booliska Soomaaliya oo Caawa digniin culus soo saaray

Booliska Soomaaliya oo Caawa digniin culus soo saaray

Muqdisho ( Raxanreeb) Booliska Soomaaliya ayaa ku celiyay diginin ay horey u soo saareen oo la xiriirta xabadaha la rido xiliyada dabaaldegga.

Caawa oo Soomaaliya looga dabaal degayo xornimadii gobollada Koonfureed ka qaateen isticmaarkii taliyaaniga iyo midowgii gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed ayaa loogu baaqay ciidamada iyo dadweynaha inay ka fogaadaan in rasaas la rido, taas oo waxyeello keeni karta.

Afhayeenka booliska gaashaanle Cabdifitaax ayaa weriyayaasha u sheegay in aan laga hari doonin cid kasta ee rasaas ridda inta dabaaldegyadu socdaan, loona maxkamadeyn doono amar jabinta ay sameeyaan.

Sidan oo kale booliska diginin ka soo baxday 26-kii June ayaan dhag jalaq loo siin, waxana la riday habeenkaas rasaas badan oo keentay in dadi wax ku noqdaan.

Xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa goordhow sheegay in sagaal askari oo loo qabtay in habeen kaas ay rasaas rideen, maanta loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Xamar.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in raggan lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay jabiyeen xeerka nabadgalyada guud, isla markaana dhawaan maxkamd la soo taagi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.