Caanood ” Dowladda way ka waysay garab istaag kooxaha deegaanka si howlgalada u socdaan “

Caanood ” Dowladda way ka waysay garab istaag kooxaha deegaanka si howlgalada u socdaan “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Markii uu soo baxay in khilaaf jira uu u hakaday dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee Dowladda ay wado ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan hakadk ku yimid howlgalka.

Afhayeen u hadlay Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalka Al- Shabaab iyo dadka deegaanka uu khasaare soo gaaray ciidanka Dowladda taasna ay qayb ay ka tahay xeeladda dagaalka.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Cabdullaahi Cali Canood ayaa sheegay in sidoo kale looga baaahan yahay in ay dardargaliyaan howlgalka oo uu xusay in hakad uu galay.

Mr Caanood ayaa sheegay in Ciidanka xoogga  ay u diyaarsanyihiin howlgallada, balse sababaha ugu weyn oo ay u istaageen howlgallada ay yihiin in la helo Ciidamo degaanka ah oo iskaashi siiya Ciidamada xoogga dalka ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab.

Shalay umbay markii Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jayte uu ku celiyay in hakad uu ku jiro dagaalka ka socday Hiiraan ee ujeedkiisu ahaa in lagula dagaalamo Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.