2000 oo ATMIS oo June dalka laga saarayo

2000 oo ATMIS oo June dalka laga saarayo

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilaaban doonto qorshaha ciidanka ATMIS ay uga baxayaan dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi loo bilaabayo sidii ciidanka Soomaaliya amniga ay ula wareegi lahaayeen .

Wasaaradda ayaa shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha dalka, laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka.

Dowladda ayaa sidoo kale waxay shaacisay in arinta ka bixitaanka ATMIS si wadajir ah ay ula socon doonaan saraakiil ka kala socda Dowladda ATMIS iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay arrintaan ayaa xaqiijisay in dowladda ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Sidoo kale Dowladda ayaa qorshaynaysa in dalka ay soo garaan ciidan isku dhaf ah oo ka socda dalalka safka hore kuwaas oo ka qayb qaadan doona howlgalka dalka ka socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.