Cabdi Xaashi “Waxan ka xumahay in 63 sanno kaddib calanka Soomaaliya aan laga saareyn Hargeysa‘’

Cabdi Xaashi “Waxan ka xumahay in 63 sanno kaddib calanka Soomaaliya aan laga saareyn Hargeysa‘’

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay waaya-aragnimadiisa 63-sano guurada laga joogo markii Xorriyadda Soomaaliya ay ka qaadatay Gumeysteyaashii Ingiriiska & Talyaaniga ee isticmaarsaday Waqooyiga iyo Koofurta Dalka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ‘in 63 sano kaddib Calanka Soomaaliya aanay laga taagin Magaalada Hargeysa’.

Waxa uu ku sifeeyay arrintaas in aanay ahayn nacayb ama kala fogeynta Ummadda Soomaaliyeed balse ay ku hoos duugan tahay tabasho loona baahan yahay in xal laga gaaro si looga gudbo waa sida uu hadalka u dhigay.

“Caawa marka aan halkaan calanka ka saareyno in aan hargeysa laga saareyn oo laga saarayo calan kale ayaan ka xumahay, ma ahan Soomaali nacayb, ma ahan xumaan mana ahan Soomaali la gala goynayo ee waa tabasho” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BJFS.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhanka kale soo jeediyay in la dardargeliyo wadahadallada is fahamka ah si looga gudbo tabashooyinka ay qabaan Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud u xilsaaray Ergay gaar u ah.