Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Soomaaliya ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee Muqdisho.
Waxaa aad loo adkeeyay amaanka, hareeraha Taalada Dhagaxtuur, halkaas oo sidoo kale Madaxwaynaha ay ku weheliyeen xubno ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa ay qayb ka tahay ubax dhigga Taalada Dhagax Tuur musaabadaha iyo dabaal degyada 26-ka Juun oo sanad kasta maanta oo kale la wayneeyo oo la maamuso halyeeyadii dhiigooda u soo huray gobonimada gayigeena.
Sanadkasta maanta oo kale madaxda markaas xilka haysa ayaa ubax dhiga , Talaada Dhagaxtuur iyo talooyinka kale si loo wayneeyo oo loo qiimeeyo dabaaldegyada todobaadka xoriyadda .
Taallada Dhadax-tuur ayaa ah astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada.
Erayga Dhagaxtuur macno ahaan waaa labo eray oo la isu geeyay “Dhagax tuur” taasoo ka dhigan dhagaxa tuur. Dhagaxtuur waxa ay ahayd dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Oktoobar 5 teeda 1949kii.
Dagaalkaasi ee ka dhacay Dhagaxtuur waxa uu u ahaa dagaal u dhaxeeyay ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL Somalia iyo gumeestihii Ingiriiska oo markaas heestay dalkeena Somalia oo dhan.
Leave a Reply