Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo taageeray Arday banaan ka sameeysay Dhuusamareeb

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo taageeray Arday banaan ka sameeysay Dhuusamareeb

Muqdisho (Raxanreeb) — Xildhibaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaja bani’aadanimada ayaa aad u boggaadiyay ardayda ku sugan Dhuusamareeb oo maanta dhigay isku soo baxa ay ku muujinayaan sida ay ugu xun yihiin dilkii xalay magaaladaasi loogu gaystay Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ardaydu ay saameeyeen tallaabo ku dayasho mudan oo ku aadan in laga dhiidhiyo falkii foosha xumaa ee lagu dilay labadaasi marxuum.

“Waxaan bogaadinayaa hablaha ardayda Dhuusamareeb ee ka dhiidhiyey (act of defiance) falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay gudaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ganacsato aan danbi galabsan” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray qaybaha kale ee bulshada, sida culima u diinka, dhalinyarada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo haweenka, isaga oo ugu baaqay inay muujiyaan dareenkooda, ayna ka qayb-qaataan sidii looga hortagi lahaa falkaasi.

“Waxaan ku dhiiragelinayaa qaybaha kale ee bulshada rayidka deegaanka sida; culimada, dhallinyarada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo haweenka in ay iska kaashadaan abaabulka kacdoon looga dhiidhinayo fal danbiyeedkii foosha xumaa ee xalay Dhuusamareeb ka dhacay iyo sidii laamaha amniga loogu soo gacan-geli lahaa gacan ku dhiiglayaashii danbiga gaystay” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yir Xildhibaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed ay ahaayeen rag waxtar u leh bulshada, ayna tahay wax laga xumaado dilkooda.

“Labada ruux ee la dilay waxay ka mid ahaayeen bulshada rayadka degaanka, mana jirto cid aad ugu danaynaysaan ee sida uu Ilaaheey quraankiisa ku sheegay, waxaad ka hortegaysaan fitno aan ku ekaan doonin kuwii dulmiga gaystay. ‎وَٱتَّقُواْ فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمْ خَآصَّةً ۖ وَٱعْلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Mr. Warsame.

Dhacdadan ayaa sare usii qaadi karta dagaal beeleedyada haatan kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug, inkastoo ay soo baxayaan baaqyo loo dirayo beelaha dagaalamay.