Baladweyne (Raxanreeb) — Magaalada Baladweyne xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa waxaa ka taagan xaalad adag taasoo keentay fatahaadaha roobka iyo wobiga Shabeelle, oo aad u saameeyay guud ahaan gobollada qaar Hiiraan Jubbada Hoose Gedo.
Baladweyne, xaafadaha qaar ayaa ku go’doonsan dad badan oo jidadkii ay biyaha jareen, walow lasoo werinayo in halkaasi ay ku geeriyoodeen carruur, ku sugan deegaankaasi.
Carruur, ku noolaa magaalada Baladweyne, ayaa u geeriyooday Gaajo darteed kuwaas oo ay la tageen cunnadoodii fatahaadda xooggan ee ku dhufatay deegaankaasi, lama oga tirada rasmiga ah, ee carruurtan.
Baladweyne, ayaa ka mid ah, deegaannada sannad kasta ay ku dhuftaan fatahaadda Wobiga Shabeelle uu sammeeyo iyadoona la sameeyo biyo xireeno yar yar kuwaas oo aan ku filneeyn inay hakiyaan biyaha.
Nadar Tabaax Maalin, oo ah, duqa magaalada Baladweyne, in xaalad adag oo binia’aadannimo ay ka taagan tahay magaaladaasi, iyadoona ku baaqday gargaar binia’aadannimo lala soo gaaro deegaankaasi.
Baladweyne ayaa go’doonsan inta ugu badan xaafadaha taasoo dhacda sannad kasta oo uu wobiga Shabeelle,