Cashadii lagu tiray magacii Golaha SHaacabka.

Cashadii lagu tiray magacii Golaha SHaacabka.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Waxaan is weyddiiyay maxay tahay baahida loo qabo cashadan uu Xasan SHiikh Max’ud golaha shacabka la daba taaganyahay! Bal adigu is weyddii oo macnee, sanadkaan 2024ka waa cashadii labaad ee Xasan SHiikh Max’ud uu u sameeyay Golihii SHacabka ee dad-weynaha ku masalaayay la xisaabtankiisa, bilowgii sanadka bishii January Xasan SHiikh Max’ud wuxuu casho sharaaf u smeeyay xil-dhibaannada labada aqal,  sidaasoo kalana wuxuu mar kale casho u sameeyay dabayaaqadii bishii tagtay ee Oktoobar!…Waxaa hubaal magaca qofka cashada bixinayo inuu yahay Xasan SHiikh Max’ud, laakiiin iyadana waxaa hubaal ah kharajka inuusan ahayn kharaj Xasan SHiikh Max’ud uu bixinayo!… Oo maxaan sidaas u leeyahay?! La yaab ma aha, oo waad is weyddiin kartaa, laakiin haddii aad garatay inaad su’aashaas is weyddiiso, waxay ahayd inaad is weydiiso 329 xubnood oo ay ka koobanyihiin labada aqal ee wakiillada dad-weynaha cashada lagu marti qaaday kharaj yar ma aha, iyagu baahi uma hayso, sadaqa ma aha, ee muxuu u bixinayaa madax-weynaha?!…Midda kale, saacadahaas cashadu socoto wakiillada shacabka oo aan loogu talo gelin marna inay marti u noqdaan xubnaha golaha fulinta waxay marti u noqonayaan golihii fullinta, waxaana intaas dheer Hadiyado iyo waliba lacago iyo in lagula dhiirrado wax kasta!….LAALUUSH! Xajmigii sharciga iyo qaayihiisiina wuxuu la ekaanayaa qaaddadaas bariiska ah ama cadkaas hilibka ah!

Waxaa iyadan xusid mudan, in siyaasiyiinta iyo madaxda dowladaha dunida ka jira ay is marti qaadaan, ama ay wada casheeyaan ama ay wada qadeeyaan, masa aha mana dhacdo in gole dhan oo sida Golaha SHacabka ah uu nin madax-weyne ah intuu isaga yeerto ay soo qamaamaan Waa Ceeb! Ummad dhan qof wakiil ka ah inuu u soo labisto casho uu siinayo qofkii ay ahayd inuu ku ilaaliyo sida uu u gudanayo adeegga ay ummaddu u dhiibatay, waa xeer jebin, waa meel ka dhac, waa baabi’inta xilkii iyo hawshii ay ummaddu u wakiilatay Golaha SHacabka. Caado ahaan way dhacdaa wakiillada ama xubnaha xizbi gaar ah oo deegaan wada jooga inay si wada jir ah u sameystaan casho ama qado ay uga haddlayaan Agenda-yaasha siyaasadeeed ee xizbigooda iyo hawlaha hor yaala, kharajkana waxaa si wada jir ah oo laysku soo dar-daray u bixiya xubnaha xizbiga ee deegaankaas, xubin kastana waxay ku faraxsantahay inay kaalin ka ciyaarto siyaasadda xizbigooda uu rabo inuu hormar ku gaarsiiyo dalkooda!… Haa waan sidaas sida ay tahay.

Ma dhacdo, mana jirto in madax-weyne uu iskii ugu sameeyo wax loogu yeero Casho-SHaraf Gole-SHacab! Arrintaas oo kale waxay gef ku tahay ama meel ka dhac ku tahay  ama dhaawaceysaa  dhismaha dowladnimo ee dalka ujeeddadeeda laga leeyahayna waa laaluush iyo in la musuqmaasuqo nidaamka dowladda siiba tiirka dowladnimmada oo ah wakillada ummadda! Waa jiraan munaasabado iyo cashooyin ay madaxda qaarkood sameyaan, laakiin waa wax caam ah oo la yaqaan oo la ogyahay kana mid ah dhaqammada siyaasadeed ee dal leeyahay, sida munaasabadaha maalinta gobanimmada dalkaas, waxayna leeyihiin miizaaniyad markii horaba loogu talo galay oo gaar ah, hasa yeeshee cashooyinkaas gaar uma aha golaha shacabka ama waziirrada ee waxaa ka soo qayb gala qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan ardayda jaamacada iyo dugsiyada sare, xubno ka socda dad-weynaha, waxaana ka hadla siyaasiyiin fikradahoodu kala duwanyihiin, qaarkood ay ka soo hor jeedaan siyaasadda dowladda, xubnaha ka yimaada golaha shacabkana marti uma noqdaan madax-weyne ama ra’iisal wazaare, waxaan ka muuqda haybaddii iyo awooddii wakiilinimo, intay cashada noocaas ah joogaan waxay ku joogaan hab maamuus sharafeed oo lagu saleeyay munasabadda cashada.    

Marka aan ka hadleyno Casho-SHaraf siyaasadeed uu madax-eynaha uu ku marti qaado golaha shacabka, waxay taas  ka hor imaaneysaa hawsha loo igmaday golaha shacabka, waxaana shaki la’aan ah in cashadaas ay saameyn ku yeelaneyso shaqada golaha-shacabka iyo xiriirka ay la leeyihiin golaha fulinta, waxayna gogol-xaar u noqoneysaa inay isku dhex milmaan golayaashii dowladda, waxayna dhiiri gelin u noqoneysaa musuqmaasuqa inuu baaho,  iyo inay soo if baxaan Dano-SHakhsiyadeed oo laga tago mudnaanta Danihii-Guud ee dalka, iyo in xubnaha Golaha-SHacabka lagu ixtiraami waayo shaqadooda, waxayna arrintaas xil-dhibaannada ka dhigaysaa kuwo liita oo aan macno lahayn oo aan la xisaabtami Karin xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladda, waxaana haddaba ina soo maray oo aan aragnay xil-dhibaano ka calaacalay in xubno golaha waziirrada ka mid ah ay telefoonka ka qaban waayeen.  Si taas la mid ah Casho-Sharafta Xasan SHiikh Max’ud uu ku dhaadhaamay Golaha-SHacabka, waxay ka muuqataa sida wax kasta oo xeerarkii ummada ay lahayd uu ugu tuntay ee haddana goluhu ugu sacbiyay, oo golihii dhammaa ee magaca dadka Soomaaliyeed wakiilka ka ahaa uusan ka hadlin ama xataa wax ka weyddiin!…  

Waxaa iayadana qaynuun ahaan ka reeban xubnaha golaha shacabka oo uu u horeeya guddoomiyaha inay la kulmaan ergooyinka shisheeyahay ah iyo wakiiladooda, sida bandanna marka keliya ay suuro gal tahay in xubnahaas ay la kulmaan ergooyinka shisheeyahay ah waa marka keliya ee uu ergey shisheeye ah soo booqdo golaha ama uu ballan rasmi ah u soo mariyo wazaaradda arrimaha dibadda si uu ula kulmo guddoomiyaha golaha-shacabka, ama si guud golaha-shacabka ama xubno ka tirsan golaha, kulankaasna wuxuu noqonayaa mid furan oo ay goob joog ka yihiin xubnaha golaha, iyo mas’uuliyiinta kale ee golayaasha dowladda, loogamana hadli karo wax ka mid hawlaha golaha fullinta, ama khuseeya siyaasadaha iyo xiriirrada dalalka shisheeyaha.

Xubnaha Golaha-SHacabka, kulan kasta oo ay la yeelanayaan xubnaha ergooyinka shisheeyaha ah, ama xubnaha xukuumadaha shisheeyaha ah loogama hadli karo hawlaha u gaarka golaha waziirrada, taasi macnaheeda waxaa weeye in Golaha-SHacabka uusan wax xiriir ah la sameyn Karin waxaan  gole-shacab kale ahayn waliba kuwa dalalka xiriirka sokeeye la leh Soomaaliya ama baarlamaannada kale ee ay xubnaha ka yihiin. Kulan kasta oo goluhu la qaadanayo ergooyinka shisheeye wuxuu noqon karaa kulan sharafeed ama dhaqan, ama wax-barasho oo keliya. Xubnaha Golaha-SHacabka way ka qayb geli karaan munaasabadaha  lagu qabanayo deegaannada ergooyinka shisheeyaha ee xiriirka dhow ee sokeeye la leh Soomaaliya iyadoo cazuumaadda loo soo marinayo wazaaradda arrimaha dibadda. Sidaas oo kale xubnaha Golaha-SHacabka marka ay rabaan Dal-Ku-Galka waddamada shisheeyaha ah waxay u sii marayaan wazaaradda arrimaha dibadda, waxyaabahaas oo dhan ma aha xeerar gaar u ah Golaha-SHacabka Soomaaliyeed oo keliya.   

Xasan SHiikh Max’ud, wuxuu dadkii baday waxaa ka daran waxa uu baray, wuxuu liiday oo la dagaalay oo hantidii dalka ku duleeyay Dalkii, wuxuu xirfad siyaasadeed u qaatay inuu khayaano dalka, wuxuu dunida sawir xun ka siiyay dalka iyo dadka, wuxuuna ku asteeyay inay yihiin dad musuqmaasuq ku nool, wuxuu madax badan oo caalamka ka mid ah oo uu la kulmay isagoo magacii iyo sharaftii ummadda huwan kala hadlay danihiisa iyo danta qoyskiisa, waxaas oo dhan waxay dhacayaan indhaha Golaha-SHacabka oo shan ah…Fahamka dunidana wuxuu yahay sababta loo waayay cid  Xasan SHiikh Max’ud la xisaabtanta ama la talisa inay tahay ama ay noqon karto dhaqanka musuqmaasuqa ee ku baahay golayaasha dowladda isla markaasna la oran karo inuu noqday nidaam siyaasadeed oo ay isla qaateen dowladda maanta dalka ka jirta ee khaa’intay dadkii iyo dalkiiba!…

Waxaa yaab leh magaca cashada uu sameeyay Xasan SHiikh Max’ud!…Madax-Weynaha oo Casho-SHaraf u Sameeyay Golaha-SHacabka!…Runtii magacaas ma aha magac la aqbali karo, waxaana ka soo shiiray musuqmaasuq qarmuun!…waxaana dhaqan ahaan aan ognahay in marti qaad kasta oo qof uu sameeyo uu yahay magac ahaan SHaraf hasa yeeshee lagu lamaano ujeeddada,  sida; Qado-SHaraf lagu soo dhoweynayo, ujeeddadu waa soo dhoweyn, Casho-SHaraf lagu maamusayo go’aankii golaha shacabka ay ka qaateen xad-gudubkii Itoobiya, ujeeddadu waa maamuus…iyo wixii la hal-maala, laakiin Casho-SHarafta golaha shacabka loo sameeyay ujeeddadeeda lama sheegin…. Golaha-SHacabka arrimaha lagala hadlayo ee khuseeya shaqadooda casho gaar ah loogama hadli karo xarunta golaha meel aan ahayn loogama hadli karo, casho madax-weyne iyo ra’iisal-wazaare golaha loogama yeeri karo iyadoo gole ahaan loo casumayo!… DHab ahaantii cashadaas waxaa lagu tilmaami karaa oo keliya inay ahayd Casho ceebeed lagu tiray magacii Golihii-SHacabka!….Af Wax Cunay Xishoo!… talo wanaagsan ayeey ahaan lahayd in Golaha-SHacabka ku dhiirrado inuu dib isugu noqdo oo uu ilaaliyo magaca iyo sharafta la huwiyay iyo ammaannada ay ummaddu u dhiibatay, waxaana Golaha-SHacabka laga sugayaa in awoodda uu  sharciga siiyaay ay aqonsadaan gartaana inay dadka iyo dalka ugu adeegaan!…

Leave a Reply

Your email address will not be published.