Ceelasha Biyaha oo laga diiday ciidanka Dowladda ee dhaca gaysanaya

Ceelasha Biyaha oo laga diiday ciidanka Dowladda ee dhaca gaysanaya

Ceelasha (Raxanreeb ) Dadka ku nool deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Jimca ah dhigay banaanbax ay ku diidan yihiin dhaca joogtada ah ee halkaas ka dhaca.

Inta badan dhaca ayaa la sheegayaa inay ku leeyihiin askar ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaas oo waayadan damba ku soo kordhay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadwayne aad uga caraysan dhacdooyinka dhaca ee askarta Dowladda ayaa maanta muujiyay sida ay ugu xun yihiin dhacdooyinkaaa waxayna dibadbax ka dhigeen deegaanka.

Waxa ay ku qaylinayeen isku soo baxyaasha hadalo ay ku dhaleecaynayaan askarta dhaca gaysatay iyo sida ilaa iyo hadda aan Dowladda waxba uga qaban cabashadooda.

Inta banaanbaxa uu socday waxaa hakad galay ganacsiga deegaanka inkastoo markii dambe si  tartiib tariib ah uu dib ugu furmayay , hadana saameynta banaanbaxa ayaa ka jira deegaanka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan banaanbaxa maanta oo Jimcaha ka dhacay duleedka Muqdisho ee ciidankeeda dhaca gaysanaya loogu soo horjeeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.