Siyaasadda Soomaaliya oo jiho yeelanaysa – siyaasiin soo rogaal celiyay

Siyaasadda Soomaaliya oo jiho yeelanaysa – siyaasiin soo rogaal celiyay

Muqdisho ( Raxanreeb ) Siyaasiin iyo madax hore xilal ugu soo qabtay dalka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii in muddo ah dusha ay ka daawanayeen Dowladda Federaalka ah ee u hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahan dib u soo laabtay ayaa in muddo ahba ahaa kuwa huursanaa inkastoo mararka qaar ay ka hadlayeen hanaanka dowladda ay wax u wado oo aysan ahayn dhabihii loo baahnaa lagana leexday .

Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu soo dhaweeyay siyaasiintan dib u soo laabtay waxaana lagu tilmaamay bandhig siyaasadeed waqtigii loo baahnaa ku yimid waxna ka bedeli karta siyaasadda hadda jirta.

Kooxda isku raranka ee Daljir iyo Damjadiid ayaa u arka siyaasiinta soo noqonaya kuwa la imaan kara jiha cusub oo siyaasadeed maadama hada si aad ah loogu ololaynayo wax ka bedelka Dastuurka.

Cabduqaadir Cali Cosoble , Xasan Cali Khare iyo xubno kale oo siyaasiin ah ayaa loo arkaa waqtigan dib ugu soo laabashada dalka in ay abuuri karta isbahaysi ka dhan ah Dowladda Xasan Sheekh oo ku jirta Olole xoogan oo wax ka bedelka Dastuurka.

Madaxwaynihii hore ee Dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed , siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa duray habka Dowladda Xasan Sheekh hadda ay wax u wado iyaga oo ku tilmaamay qar iska tuurnimo siyaasadeed .

Jiho siyaasadeed cusub ayaa la saadalinayaa in dalka uu yeelanayo , maadama wax badan oo la filayay meesha ay ka baxeen , waxaana dowladda ay sheegaysaa in wali  xaalku ahayn waqtiga siyaasadda dagaalna uu dalku ku jira.

Maadama meesha uu ka baxay howlgaladii in muddo ahba Dowladda ay sheegaysay in ay kula jirto ayaa hadda waxaa soo kiciyay siyaasadahan iyo siyaasiintan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka iyo hanaanka doorashada ee soo socoto oo loo arko mid ku jimaysan Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.