Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo fashiliyay weerar Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Janaa Cabdalle.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo fashiliyay weerar Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Janaa Cabdalle.

Kismaayo (Raxanreeb online) – Ciidamada daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgala deegaanka istiraatiijiga ah ee Jannaha Cabdalle, ayaa saaka aroortii weerar qorsheysan ku qaaday dagaalyahano ka tirsan AS, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayeen weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen fariisin ciidamada daraawiishta ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Howlgalka ayaa ahaa mid ka dhashay sirdoonka Jubbaland oo helay xog ku saabsan isu soo uruurinta iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, taasi oo u suurtagelisay ciidamada daraawiishta inay fashiliyaan weerarka ka hor inta uusan dhicin.

Deegaanka Jannaa Cabdalle oo 60-km u jira magaalada Kismaayo ayaa waxaa la wareegay maamulka Jubbaland bishii August ee sanadkii 2023-kii. Waa deegaan istiraatiji ah waana halbowlaha isku xirka gaadiidka gobolka Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Soomaaliya.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada daraawiishta ee ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle iyo duleedkeeda ayaa tilmaamay in ay heleen xog ku saabsan qorshaha weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Jubbaland. Ciidanka ayaa si deg deg ah u sameeyay isku dubarid, iyagoo qaaday weerar difaac ah, waxayna ku guuleysteen inay jabiyaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan aan sidaas uga fogeyn Jannaha Cabdalle, halkaasoo labada dhinac ay ku dagaalameen dhul banaan ah. Inkastoo dagaalku uu socday muddo kooban ayaa haddana ciidamada Jubbaland waxaa u suurtagashay in ay jabiyaan dagaalyahannada Al-Shabaab,kadibna ay gabi ahaanba kala eryeen ciidamadii dagaalamay.

Sirdoonka Jubbaland ayaa mudooyinkan dambe waxa ay xoojiyeen howlgalada amniga lagu xaqiijinayo si looga guuleysto qorshayaasha ay maleegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, taasi oo suurta galisay in laga hortago weeraro badan oo argagixisanimo inta aysan dhicin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.