Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo isugu jira Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska gaarka ah ee Haramcad, & Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa si wadajira howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaano dhowr ah, oo ku yaalla dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nageey ee Shabeellaha Hoose.
Qoraal kooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada ay burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ee ku lahaayeen deegaannada ku yaalla dhulka hawdka ee kala ah, macalin Yuusuf, Nafaqoow iyo deegaano kale ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
“Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo shacabka oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalkan ayaa yimid kadib duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab, halka ciidamadan ay sameeyeen howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab.