Ciidamada Itoobiya oo loo ogolaaday AUSSOM

Ciidamada Itoobiya oo loo ogolaaday AUSSOM

Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aqbashay in Ciidamada Itoobiya lagu daro Howlgalka Cusub ee Midowga Afrika ee AUSOM oo maanta la bilaabay.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa Kaab TV u sheegay in Addis Ababa ay heshay oggolaansho illaa 2,000 oo askari oo ka mid noqonaya howlgalka nabad ilaalinta ee cusub.

Howlgalka AUSOM ayaa la bilaabay iyadoo ay jiraan caqabado dhaqaale oo ka horyimid.

Ciidamada Itoobiya ayaa hore uga mid ahaa hawlgalka ATMIS oo hadda waqtigiisu dhammaaday.

Go’aanka ciidamada Itoobiya loogu soo daray AUSSOM ayaa yimid ka dib markii dowladda Burundi ay ka baxday hawlgalka, ayna ka carootay tirada yar ee laga siiyay hawlgalka.

Burundi ayaa falka looga reebay AUSSOM ku tilmaantay mid khiyaano ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.