Kismaayo (Raxanreeb Online) Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo lagu burburiyay xarumo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab.
Howlgalka oo si taxadar leh loo fuliyay ayaa ka dhacay deegaannada Orgiyow, Barjala, iyo Caglibaax, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.
Sidoo kale Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa burburiyay miinooyin halis ahaa oo Khawaarijta ku aaseen deegaannadaas, kuwaas oo halis ku ahaa nolosha dadka shacabka ah.
Geesta kale ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah xubnaha dhagarqabayaasha ah ee kooxda Al-shabaab, kaas oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka falalka argagixisanimo ee ka dhaca Deegaanadaas.
Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa saaxiibada la ah ay ugu jiraan ka sifeynta Deegaanada Jubbaland khataraha Khawaarijta iyo Amni darada mararka qaar ay u geystaan shacabka.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada ayaa si isdaba joog ah uga waday gobolka hawlgallo lagu ciribtirayo Kooxda Al-shabaab, iyadoo laga sameeyay howlgalka degmooyin iyo tuulooyin dhowr ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo ammaanka guud ee shacabka.





Leave a Reply