Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno katirsan kooxda AS

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno katirsan kooxda AS

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday horjoogaal katirsan Al-shabaab.

Qoraalka wasaaradda lagu shaaciyay in howlgalka oo si gaar ah loo soo qorsheeyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-shabaab, isla markaana dadka lagu dilay ay ku jiraan saraakiil.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalka ay weeraro iyo afduub ka fulin jiraan gudaha Somalia iyo dalalka deriska la ah.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hub iyo agab ciidan.

Sikastaba, ciidanka xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafyay howlgallo ka fuliyay deegaanada ay Al-shabaab, ay kaga sugan yihiin maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.  

Leave a Reply

Your email address will not be published.