Ciidanka Dowladda degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka Dowladda degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku fuliyeen deegaanka Jameecada ee gobolka Baay ka saaray Al-Shabaab halkaasi.

Howlgalkan qorsheysan ee Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka dhacay deegaanka Jameecada oo 25 KM u jira degmada Buurhakaba ayaa waxaa hadda ku sugan Xoogga Dalka, waxaana meesha isaga cararay Al-Shabaab oo muddo Maamulayay.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgallo qorshahan iyo mid toos ah kawada guud ahaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin dalka, waxaana looga dilay Saraakiil iyo Xubno badan, iyadoo kuwa badanna ay isku soo dhiibeen laamaha amniga si loo horgeeyo Cadaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.