Ciidanka dowladda oo la wareegay degaano in ka badan 10 Sano heysteen Al-Shabaab

Ciidanka dowladda oo la wareegay degaano in ka badan 10 Sano heysteen Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka degaanka ayaa Goordhaw Al-Shabaab kala wareegay Deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey qabashada labadaan deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Degaannada Maanta lala wareegay ayaa waxaa muddo ka badan 10 sano gacanta ku haayay kooxda Al-Shabaab balse maanta ugu dambeyn laga saaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.