Ciidanka dowladda oo si toos ah ula wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka dowladda oo si toos ah ula wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomalaiyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa weli waxaa ay howlgallo xoogan ka wadaan degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katitsan Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgallada uga fuliyay degaanka Winiile ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanada Waniile iyo Dhagaxyaale ee gobolka Galgaduud oo uu ka dhacay howlgal lagu dilay in ka badan 50 Al-Shabaab ah.

Taliyaha ayaa Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ku dhiirigeliyey howlgalka ay ku sii eryanayaan howlgalka ka socda deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo weerarada ay kasoo abaabulaan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.