Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay in ka badan 15 xubnood oo katirsanaa AS

Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay in ka badan 15 xubnood oo katirsanaa AS

Gayacad ( Raxanreeb Online) Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray dagaalamayaal iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Shabaab kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

“Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dhacay”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

sikastaba, ciidanka xoogga ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada ay ku burburinayaan saldhigyada Al-shabaab ay ku lee yihiin deegaanno katirsan gobollada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.