Dab geystay khasaare badan oo ka kacay xaafado ka tirsan Muqdisho

Dab geystay khasaare badan oo ka kacay xaafado ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya deb xooggan oo ka kacay Seybiyaano, degmada hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo geeystay khasaare kala duwan, goobo ganacsi iyo guryo.

Dabkan, ayaa la sheegay in uu ka billowday markiisii hore koront, kaasoo ku fiday goobo ganacsi iyo guryo dad shacab ah, ay degeanyihiin.

Xaafada debka uu kakacay ayaa ahayd xaafado isku raran ah, kuwaas oo ay deggenyihiin barakacayaal masaakiin ah, kuwaas oo debka inta badan uu saameeyay.

Dadka barakacayaasha qaar ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa uga warramay sida xun ee dhibaatada ay uga soo gaartay deblaasi ayna guryahooda ku bas beeleen.

“Wax nool maba lahan guryayaasha dhan way gubteen, ilmaha waa ka baxsanay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka uu saameeyay debkaasi.

“Hal xabo kama bixin alaabteyda waa gubatay, dharkii waa gubtay,” ayay tiri hooyo kale oo ka mid ah, dhibbanayaasha dabka uu saameeyay.

Qoysas badan oo degganaa halkaasi, ayaa guryohoodii ku basbeelay sida ay sheegeen dad ku sugan halkaasi oo ka mid ah, barakacayaasha.

“Dhowr boqol oo qoys ayaa meesha ku barakacday oo bannaanka dhooban, guryana aan haysan oo alaabtoodii meesha ku gubatay” ayuu yiri mid ka mid ah, Odayaasha ku dhaqan halkaasi.

Muqdisho, ayaa inta ugu badan goobaha ganacsi iyo guryaha qaar ka kacda koronto kuwaas oo lagu eedeeyo inta ugu badan shirkadaha korontada oo ugu horreeyso Beco.