Kooxda Al-Shabaab oo isku uruursaneysa Gedo

Kooxda Al-Shabaab oo isku uruursaneysa Gedo

Kismaayo (Raxanreeb) — Wararka ka imaanaya gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ay isku uruursanayaan kooxda Al-Shabaab, qeeybo ka mid ah, gobolkaasi sidoo kalena ay dhaq dhaqaaqyo culus ka wadaan, sida ay sheegeen masu’ul ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, ee gobolka Gedo, Cusmaan Nuux Xaaji, ayaa ku sheegay wareeysi uu bixiyay, in kooxda Al-Shabaab, dhaqdhaqaaq xooggan ka nillowday gobolka ayna la socdaan, islamarkaana ay ka hortagi rabaan.

Guddoomiyaha oo wareeysi siiyay Shabeelle, ayaa yiri “Waan la soconaa xogta cadowga iyo dhaq-dhaqaaqooda, marka la arkana waa laga hortagaa”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan ahayn Al-Shabaab, sidii hore oo hadda ay yihiin kuwoo naf lacaari ah, oo aysan lahayn awood badan oo muuqata.

“Iyagaa hadda iska tabar beelay oo aan tabar badan lahayn dagaallo fara badan ayay galeen burbur xoogleh ayaana ku dhacay” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in ay heegan buuxa ku jiraan ciidamada daraawaashita ee maamulka Jubbaland, dhowaana ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamada Gobolka ku sugan heegan ayay ku jiraan meel kasta oo ay joogaan wayna ka hortagi doonaan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab” ayuu yiri.

Gobolka Gedo, gobollada dhowaan la filayo in ay ka dhacaan dagaal ka dhan ah, kooxda Al-Shaabaab, oo maamusha inta badan deegaanada maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Gedo, ayaa haatan ka taagan xaalad adag oo sababtay fatahaada xooggan ee roobabka iyo wobiyada taasoo ay ka barakaceen kumannaan kun oo qooys halka degmooyim badan oo ka tirsana ay weli dadka qaar ku go’doonsanyihiin.