Gaza (Raxanreeb) — Israa’iil ayaa ku amartay dadka deggan bartamaha magaalada ugu weyn koonfurta Qaza ee Khan Younis inay isaga barakacaan dhulkooda, waxayna ku garaaceysaa gantaallo sidoo kalena waxay ku wadaa weli go’doominta habeennimadii, ka dib markii Maraykanku uu adeegsaday diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu uga gaashaanto xulafadiisa dalab xabbad-joojin ah.
Tan iyo markii uu burburay xabbad joojintii ay la galeen Xamaas dagaalkii labada bilood socday 1-dii Diseembar, Israa’iil waxay balaadhisay weerarkeeda dhulka ee qaybta koonfureed ee marinka Qaza, iyada oo ku riixday Khan Younis, halkaas oo dadka deegaanka ay ka soo warrameen dagaallo qaraar. Labada dhinac ayaa laga soo sheegay in ay kordheen dagaalka ka socda waqooyiga.
Israa’iil waxay sheegtay in ololaheedu uu horumar samaynayo. Lataliyaha Amniga Qaranka Tzachi Hanegbi ayaa sheegay in ciidamada Israel ay dileen ugu yaraan 7,000 oo dagaalyahanada Xamaas ah, isagoo aan sheegin sida qiyaastaas lagu gaaray, waxaana taliyaha ciidamada Lieutenant-General Herzi Halevi uu u sheegay askarta “waxaan u baahanahay inaan si adag u cadaadinno”.
Dhimashada rasmiga ah ee Gaza ee Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee gobolka Xamaas ay maamusho ayaa dhaaftay 17,700 Sabtidii, iyadoo kumanaan kale oo shacab ah, la la’yahay oo loo malaynayo inay ku dhinteen burburka guryaha hoostiisa. Wasaaraddu waxay sheegtay in 40% dhimashada ay ahaayeen carruurta ka yar 18 jir.
Israa’iil ayaa billowday ololaheeda ay ku baabi’inayso madaxda Xamaas ee Gaza ka dib markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen magaalooyinka Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, 240 kalena ay qafaasheen, sida ay sheegtay Israa’iil, inkastoon ay laayeen habeen iyo carruur shacab ah.
Ilaa 137 la haystayaal ayaa weli ku jira gacanta, waxaana kumanaan Israa’iiliyiin ah ay Sabtidii isugu soo baxeen magaalada Tel Aviv si ay u dalbadaan in la sii daayo. Askari dagaalamay 7-dii October ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray, ciidamada Israel ayaa sheegay goor hore oo Axad ah, iyagoo intaa ku daray in afar askari oo kale ay ku dhinteen dagaalka koonfurta Gaza.
Balse xaqiiqda ayaa ah, Isra’il inay ugu dhintaan 24 saac ugu yaraan 50 askari in kabadan sida ay sheegeen maamulka qubuuraha, kuwaas oo Xamaas, ay disho halka 134 taangi ikabadana loogu gubay taangiyadaas oo qaali ah, halka halkii taanhi lagu khiyaaso inkabadan $6m oo dollar.
Inta badan 2.3 milyan ee degan Gaza ayaa laga saaray guryahoodii, marar badanna dhowr jeer. Iyadoo uu dagaalku ka socdo guud ahaan dhulka, dadka deegaanka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in aysan jirin meel nabdoon oo la aado, in kasta oo Israa’iil ay arrintan ku muransan tahay.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay xaddidayaan khasaaraha dadka rayidka ah iyagoo bixinaya maab muujinaya goobo ammaan ah, waxayna Xamaas ku eedeeyeen inay waxyeello u geysatay dadka rayidka ah iyagoo ku dhex dhuumanaya, taasoo dagaalyahannada ay beeniyeen.
Falastiiniyiintu waxay sheegeen in ololuhu isu beddelay dagaal aad u kulul oo dhulka ah oo aargoosi ah oo ka dhan ah dhammaan dadka ku nool dhul ay dadku ku badan yihiin sida London.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay.
Inkastoo Abu Cubaydahhawada laga waayay, tan iyo markii uu dagaalku dib uga qarxay Marinka Gaza, haddana qoraal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Xamaas, uuna ku saxiixnaa ninkaasi ayuu ku sheegay in Ciidamada Israel ay jab xoogan kala kulmayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.
Waxa uu sheegay in Xoogaga Xamaas ay dileen, isla-markaana ay dhaawaceen tobanaan ka mid ah Militariga Israel.
“Ciidamada cadowga qaarkood waxaa lagu laayay dabin loo dhigay godad ay soo galeen iyo dhismayaal ay gabaad ka dhiganayeen,” ayuu yiri Abu Cubaydah.
Abu Cubaydah ayaa yiri “Askar fara-badan oo ka tirsan ciidamada cadowga ayaa sidoo kale lagu weeraray hoobiyeyaal iyo gantaalada ridada gaaban, halka gantaalo kalena lagu garaacay magaalooyinka Israel.”
Abu Cubaydah ayaa ku goodiyay in Guutada Al-Qassam ay sii wadi doonto dagaalka lagu xoreynayo dhulka Falastiiniyiinta, illaa iyo inta ay dib kaga saarayaan cadowga, sida uu yiri.
Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo xalay Warbaahinta ka soo muuqday ayaa qiray in ay askar fara-badan ku waayeen dagaalka ka socda Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii sheegay in wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka lagu dilay Gaza.
Taliska ayaa sheegay in Major Gal Eisenkot oo 25 jir ahaa uu Khamiistii ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.