Dad badan oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay duleedka Balcad ee Sh. Dhexe

Jowhar (Raxanreeb )- Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo maryay deegaanka Gololay ee Shabeellaha dhexe ayaa intooda badan dhintay ka dib markii miino ay la kacday gaariga ay saarnayeen.

Gaarigan ayaa ka mid ahaa kuwa rakaabka ee ku safra wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee Shabeellaha dhexe.

Qaraxaan ayaa haleelay Gaari nooca loo yaqaan Toyota Probox oo kamid ah gawaarida inta badan laga isticmaalo ama loo adeegsado safarrada.

Dhowr jeer sidaan oo kale ayaa qaraxyo waxa ay haleeleen gawaari isugu jira kuwa Ciidanka & Rayidka waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaraa dadka la socda gawaaridaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.