Dad muhaajiriin ah oo ay Doon kula degtay agagaarka jasiiradda Canary

Dad muhaajiriin ah oo ay Doon kula degtay agagaarka jasiiradda Canary

Madrid (Raxanreeb) — Kuwa dadka u dhaqdhaqaaqo ayaa ku eedeeyay maamulka Spain in ay ku guuldareysteen in ay caawiyaan dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo degtay xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan jasiirada Canary.

Meydadka laba qof oo uu ku jiro ilma yar ayaa la soo saaray, balse ugu yaraan soddon iyo shan qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay waxaana laga cabsi qabaa inay dhinteen.

Doon ay leeyihiin ilaalada Morocco ayaa gacan ka geysatay badbaadinta afar iyo labaatan qof, laakiin hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in xukumada Madrid ay ahayd inay bilawdo hawlgal samatabbixin ah markii doonidu ay dhibaato soo gaartay Talaadadii.

Arrintan ayaa timid maalmo un kadib markii dooni ay la socdeen boqolaal tahriibayaal ah ay sidookle ku degtay koonfurta Giriiga. Maamulka Giriiga ayaa wajahaya dhaleecayn tan la mid ah oo ah inay ka daahday howlagal ay ku badbaadin lahaayeen dadkaasi.

Toddobaatan iyo siddeed qof ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen laakiin ilaa shan boqol oo qof ayaa weli la’yahay.