Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ka socda Mudug

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ka socda Mudug

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, gaar ahaan koonfurta gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka ay dagaal adag ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, waxaana kadib halkaas ka qarxay dagaal toos ah.

Saraakiil hoggaamineysay dagaalka oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in dagaalkan ay guulo waaweeyn ka gaareen, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Weli waxaa socda howlgallo culus iyadoo lagu soo warramayo ciidamada Huwanta in ay ku suganyihiin halkaasi oo ay ka wadaan howlgallada.

Xaaladda deegaannadaasi ayaa ah, mid kacsan oo weli laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda labada dhinac ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee ku saabsan dagaalkan adag ee ciidamada DF ay guulo waa weyn ku sheegteen.

Gobolka Mudug, ayaa weli waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, islamarkaana mararka qaar ay sii dheeryihiin duqeymo dhanka cirka ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli dhowaan goobo badan oo horey ciidamada Dowladda u haastaan in Al-Shabaab, dib u qabsadeen deegaano badan oo dhaca gobolka Mudug.