DEG – DEG : Turky oo shaaciyay inu fashilmay wada- hadalkii DF & Itoobiya.

DEG – DEG : Turky oo shaaciyay inu fashilmay wada- hadalkii DF & Itoobiya.

Ankara (Raxanreeb )- Shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga socday dowlaha Soomaaliya & Itoobiya ayaa fashil uu ku yimid sida dowladda Turky ay shaacisay caawa.

Ilo xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in wafdiga dawlada Soomaaliya ay ku adkaysteen in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee ay sida sharci-darrada ah Itoobiya ula saxiixatay Somaliland.

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika.

Kulankan ayaa ahaa mid ku yimid codsi ay Itoobiya marsiisatay dalalka Qatar, Mauritania iyo Turkey oo ay ka dalbatay inay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.