Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in saakay markale uu dib u qarxay dagaalkii u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Goob joogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka uu si gaar ah uga socdo gudaha magaalada, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus.
Xaalada ayaa ah mid kacsan, waxaana lagu soo waramaya in dadka shacabka ah ay inta badan ka barakaceen magaalada, si aysan waxyeelo ugu soo gaarin dagaalka.
Sidoo kale weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu gaarsiisan yahay.
Mana jirto ilaa iyo hadda war kasoo baxay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalladan ku soo lab laabtay magaalada.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply