Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka dhacay , kulan laba dhinac ah oo ay wada yeesheen xubno ka socday xisbiyada mucaaradka iyo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi DENI.
Waxaa lagu soo waramayaa in kulanka looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal.
Shirkan waxa la sheegay in ay ka qayb galeen xisbiyada mucaaradka ee aadka ugu dhaw Madaxwaynaha lagu dhaliilayo daahinta doorashada ee ka dhalatay xaalada hubiti la’aanta ah.
Madaxwaynaha Puntland oo hadal jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid dhabaha u xaari doono in doorasho hufan sida uu sheegay lagu qabto deegaanada maamul goboleedka Puntland.
Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhacayn doorasho aan qof iyo cod ahayn islamarkaana shacabku isu diyaariyaan in ay codkooda ku doortan Madaxdooda.
“Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabku Madaxdooda ku doortaan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Si kastaba waxa shirkan imaanayaa iyadoo , wali ay jiraan xubno mucaarad ah oo ka biyo diidsan sida uu hadda wax u wado Madaxwayne Saciid Cabdulaahi DENI oo ah nooca doorasho ee uu doonayo.
Leave a Reply