DF oo sheegtay xubno katirsan Al-Shabaab inay gacanta ku dhigeen

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan dhowr qof oo katirsan Al-Shabaab oo dhuumaaleysanayay inay gacanta ku dhigeen halka xubin sare oo Katirsan Al-Shabaabna uu isa soo dhiibay.

koox ka Tirsan Khawaarijta Shabaab kuwaas oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Horjooge Macalin Xudeyfa ayaa horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.

Maalin ka hor isla aaggaaas waxaa Ciidamada Qaranka isku soo dhiibay Siciid Raage oo Khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah.

Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku waxaana ka go’an Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun

Dowladda oo Khawaarijta Al-Shabaab kula jirta Dagaal toos ah oo dalka looga saarayo iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.