Muqdisho ( Raxanreeb ) ALERT: Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ka digeysaa falalka hanjabaadda iyo beegsiga ee lagu hayo hawl-wadeennada SJS kuwaasi oo hanjabaado toos ah ay uga imaanayaan qaar ka mid ah saraakiisha NISA ee ku xiran Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud.
Mahad Carab Dhiblaawe oo ka tirsan ciidanka NISA ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde qeybta duulimaadka gudaha (adeerna uu u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud) ayaa tan iyo 11 October 2022 falal isugu jira hanjabaad iyo cabsi gelin ku hayey hoggaanka iyo hawl-wadeennada SJS.
11 October 2022, Mahad Carab Dhiblaawe ayaa ka mid ahaa koox NISA ka tirsan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku hor istaagtay kadduba xiray Xoghayaha SJS Abdalle Ahmed Mumin.
18 October 2022, wuxuu markale Mahad Carab Dhiblaawe hanjabaad DIL ah u soo jeediyay Xoghayaha SJS Abdalle Ahmed Mumin.
6 December 2022, wuxuu Mahad Carab Dhiblaawe ayuu si gaar ah u beegsaday Xoghayaha Warfaafinta SJS Maxamed Bulbul oo waqtigaas ka dhoofayey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna u jeediyay hanjabaad DIL ah. Wuxuu sarkaalkaasi sheegtay inuu metelayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dartiis falalkan u sameynayo.
19 December 2022, wuxuu Mahad Carab Dhiblaawe qoraal hanjabaad ah uu Facebook ugu soo diray Xoghayaha Warfaafinta SJS Maxamed Bulbul.
Sida aan xogta ku heyno Mahad ayaa ka mid ah saraakiisha la qoray wixii ka danbeeyay 15 May 2022 markaasoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay doorashada dalka.
Leave a Reply