Cameroon ( Raxanreeb Online) 52 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dawladda Falastiin tan iyo qarnigii hore, balse labada dal ee Cameroon iyo Eritrea ayaa ah labada dal aan marnaba aqoonsan maamuul loo sameeyo dadka reer Falas’tiin.
Labadan waddan ayaa ku kala duwan duruufaha ay u aqoonsan waayeen maamuul laga hir geliyo Ramalllaah.
Cameroon waxa ay saaxiib dhow la tahay Tal’biib waxana jira xidhiidh qoto dheer oo maamuulka Paul Biya uu la wadaago dhinacaas.
Halka Eritrea ay tahay dal go’doon ku jira 34 kii sano ee la soo dhaafay isla markaana aan saamayn ku lahayn miisaska lagaga doodayo arrimaha masiiriga ah.
Dadka reer Cameroon waxa ay marar badan dawladdooda ugu baaqeen in aan laga hadhin waddamada Afrika ee aqoonsaday maamuulka Falas’tiin balse maamuulka Biya ayaa arrinkaas hor taagan, waxana la filayaa in haddii isagu uu meesha ka boxo uu dhici doono is beddel ku yimaadda mawqifkii Cameroon ee arrimaha bariga dhexe.

Leave a Reply