Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aanka lagu xirayo xafiiska UNSOM.

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aanka lagu xirayo xafiiska UNSOM.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Dawladda Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka QM ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM, waxayna taas bedelkeeda dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Waxaana warqada cusub oo ay dirtay DF lagu cadeeyey in ay diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa cadaadis xoogan kala kulmay qodobkan, waxaana wada hadal telfoon oo ay yeesheen xoghayaha guud ee QM iyo Xassan Sheekh heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobey weydiisatay in la soo geba-gebeeyo joogitaanka howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya oo soo socday in ka badan 10 sano, sida ku cad.

Xafiiska UNSOM ayaa waxaa 2013 aas-aasay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga taageero u gudubka dimoqraadiyadda iyo sareynta sharciga ka dib in ka badan 20 sano ah oo ay dalka ka jireen dagaalo sokeeye.

Tan iyo markii uu hawgalkan bilowday 2013-kii, waxa ay gacan ka geysteen hannaanka federaalaynta Soomaaliya,. Waxa kale oo ay kaalin ku leeyihiin dawlad dhiska, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in go’aan kan uu niyad jab ku ridi karo Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay iyo saaxiibada Caalamka, iyo in ay isbadasho filashadii ahayd Soomaaliya oo ka soo baxday dawlad fashilantay, kuna dhaw, in ay gaarto isku filnaansho iyo horumar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.